U bood dhigaalka

Wakaaladda Cirbixiyeenada NASA oo u Dabaaldegtey 50 Sano Kadib Markii Cirka Loo Kacay

Sheeko:Dalka

Wakaaladda Cirbixiyeenada ee Mareykanka NASA ayaa u dabaaldegtey sanadguuraddii 50-aad ee kasoo wareegtey markii cirbixiyeenkii ugu horeeyey uu ku dul talaabsaday heegada sare ee cirka, gaar ahaan mid ka mid ah meerayaasha dusha sare heebaabaya.

Wuxuu ahaa cirbixiyeenka lagu magacaaob Edward H White , 3-dii bishii June sanaddii 1965-tii, isaga muddo 21 daqiiqo ah ku dul taagtaagsanayay mid ka mid ah meerayaasha.

Muddo afar sano oo kasii horeysey xiligani, sanaddii 1961-dii ayay ahayd markii madaxweynihii Mareykanka ee qaarijinta lagu diley John F Kenney uu adduunka u iclaamiyey wax aysan ciddina filan karin xiligaasi oo ahayd in Mareykanka uu cirka u diri doono dayax gacmeed, lana bilaabi doono sahanka cirka.

Kennedy waxa uu xiligaasi si weyn oga careysnaa, ogana yaxyaxsanaa in midoowgii Soofiyaadka uu isla xiligaasi cirka u direy qofkii bini’aadam ee ugu horeeyey inta la ogyahay ee dayaxa taga, kaasi oo lagu magacaabo jirey Yuri Gagarin.

Cirbixiyeenada Wakaaladda NASA waxaa ay hawada sare tageen in ka badan 264 jeer, 184 ka mid ah waxay hawada sare kasoo taageen saldhigga caalamiga ah ee hawada sare.

Cirbixiyeenimadu waa cilmi seynis qoto dheer oo xitaa Soomaalida ay wax ka fahamsantahay ama ka garanayso marka laga hadlayo aqoonta waxa loo yaqaano xiddigiska oo Soomaalida kusoo dhaqmi jirtey boqolaal sano.

Faa’iidada ugu badan ee xiddigis u lahaa Soomaalida ahaa ahayd in ay ku ogaadaan jihooyinka, xili roobaadyada iyo waliba mararka qaarkood waxyaabo kale oo quraafaadka uu ka midyahay.

Hase yeeshee cilmiga cirbixiyeenimada ee casriga ah waxa uu adduunyada ka dhigey mid gaartay horumar aad u badan oo ah xagga tacliinta sare ee sahanka, sirdoonka iyo uruurinta xogaha muhiimka ah.

Maanta dayac gacmeedyada waa kuwa meel kasta oo adduunka meeraya, waxaa loo isticmaalaa waxyaabo aad u kala duwan, iyada oo xitaa tirakoob ay dhawaan soo saartay dowladda Soomaaliya oo ah dadka ku nool Soomaaliya ay ku sheegtey in loo adeegsaday dayac gacmeedka.

Hase yeeshee Soomaalida maanta ma lahan hiigsiga ay bari lahaan jirtey, sheekooyinka ku saabsan dayaxa ayaa la tagay iyo sahanka cirkana waa kuwa dad badan ay u arkaan qisooyin qiyaali ah oo adduunyada lagu maaweelinayo.

Xiligga ay Mareykanka iyo Ruushka cirka hiigsanayeen Soomaaliya waxa ay ahayd dal xor ah oo madaxdii xiligaasi joogtey sida Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke ay ka warhayeen horumarka ay adduunyada ku talaabsanayso, doonayeene in ay tiigsadaan adduunyada horumartay, hase yeeshee 50 Sanno kadib Soomaaliya waa dal ul booc ku tukubaya oo xitaa awoodi la’ suggista amniga qofka muwaadhinka ah, in cirka loo koco haba joogtee.

Goobjoog News