U bood dhigaalka

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo Xarun Cusub Ku Shaqo Bilaabeysa

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaraha Soomaliya  Cumar Cabdirashaid Sharma arke ayaa xarun cusub u furay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Xaflad aad loo soo qabanqaabiyay furitaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka warfaafinta Maareeye, wasiiru dowlaha warfaafinta Maxamed Xasan Beekow, Agaasimaha guud Cabdirisaq Cali Yusuf iyo Agaasimaha SONNA Cabdiraxman Yusuf Sheekh iyo madax kale.

Agaasimaha SONNA Cabdiraxman Yusuf Sheekh  ayaa sheegay in ay wakaaladda si toos u howl galeyso, soona deyyn doonto dhamaan wararka iyo dhacdooyinka ka jira dalka.

Agaasimaha oo sii hadlayey ayaa yiri“SONNA waxaa ay xalin doontaa kuwaan warar oo laga diro dalka oo loo diro caalamka iyadoo wararkaas gundhig uga dhigi doonta xaqqiqda, wakaaladda wararkeeda waxaa ay ku xoojin doontaa sawiro iyo wax alle wixii muhiim u ah wararka”

“”Wakaaladda SONNA waxaa ay lahaan doontaa 3 qeybood oo kala aha Soomalai, Carabi iyi Ingiriiska” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Maareeye ayaa u Mahadceliyay isagoo sheegay in wakaaladan sanadkan bilowgiisii la furay hadana ay shaqeyso.