U bood dhigaalka

Walaac Laga Muujiyay In Doorashada Baarlamaanka Somaliland Qabsoonto

Sheeko:Dalka

Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano CPA ayaa walaac ka muujisay in doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka ee Somaliland ay waqtigii loo asteeyay ku qabsoomaan taasi oo ah  March, 27, 2019.

Xarunta CPA waxay sheegtay in ay yar yihiin dedaallada la doonayo in lagu gaaro doorashada 2019-ka ee baarlamaanka iyo golaha deegaanka ee Somaliland iyo in aanay jirin wada shaqeyn ka dhaxeysa dhinacyada ay khusayso doorashadu.

CPA waxay sheegtay shan qodob oo caqabad ku noqon kara doorashada Somaliland kuwaasi oo haddii aan xal laga gaarin sababi kara in aanay doorashadu qabsoomin.

1-     Xeerka Cusub ee doorashada Somaliland oo aanay weli meel marin baarlamaanka Somaliland (waxaa qayb ka ah saami qaybsiga kuraasta barlamaanka)

2-     Diiwaangalinta codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin maadaama ay muhiim tahay in la furo diiwaangalinta si muwaadiniinta aan horey isku diiwaangalin ay isku diiwaangaliyaan.

3-     Xisbiga Wadni oo sheegay in la kala diro guddida doorashada, isagoo qoraal uu tabashadiisa kaga hadlayo u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland hase ahaatee aan weli la xallin tabashadaasi.

4-     Xisbiga Ucid oo isna horey ugu baaqay Madaxweynaha in uu qaado tallaabooyin uu wax kaga qabanayo xanaftii ka dhalatay doorashada 13-kii November 2017.

5-     Xiisadda ka taagan gobollada bariga Somaliland ee ay kamid yihiin: Tukaraq, Jabhadda Taliye Caarre iyo arrimaha Ceel-afwayn.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horey u ballan-qaaday in ay ka go’antahay in uu qabto doorashada Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka xilligii loo asteeyay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada