U bood dhigaalka

Walwalkii Shacabka Boorama ee Dhanka Biyo Yarida oo Lasoo Afjaray

Sheeko:Dalka

Shirkadda adeegyada biyaha ee Shaba oo kaashaneysa ha’adaha samafalka oo ay gacansaarka la leedahay ayaa dadaallo badan ugalay sidii keyd biyood ku filan ay ugu heli lahaayeen dadka magaalada Borama iyo degaanada ku xeeran oo dhibaato biyo yari ahi ay ka taagneyd.

Shirkadda Shaba ayaa ku guuleysatay iney hirgeliso Labo ceelbiyood oo riig ah, kuwaas oo laga helay degaan Afraag oo ka mid ah Abu-qeys oo 17 Km kaga beegan dhican galbeedka magaalada Borama.

Isku dayo lagu hormarinaayo dhinaca biyaha ayaa waxaa ka socday gobolka Awdal iyadoo shirkadda Shaba ay horey ugu guuleysatay iney ceelal biyoodyo ka hirgeliso bariga magaalada Borama, iyadoo ceelashaasi ay hoos u dhac u keeneen keydkii biyaha ee magaalada Borama.

Bilhii la soo dhaafay ayaa walwal dhanka biyaha ah uu ka jiray magaalada Borama iyadoo 2 ceel biyood oo riigga ah la filayo iney wax weyn ka bedelaan biyo yaridii magaalada iyo waliba walwalkii dhanka shacabka iyadoo ceelashan cusub la filayo iney howlgalaan bartamaha sanadka soo aaddan ama dhamaadkiisa.

Goobjoog News