U bood dhigaalka

WAM: Imaaraadka Oo Joojiyey Tobabarradii Ciidamada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay Wakaaladda Wam dowladda Imaaraadka Carabta waxaa ay joojisay tobabarradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya kaasi oo soo bilowday sanadkii 2014-kii.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay 8 bishan lacag dhan 9.6M oo ka timid Imaaraadka Carabta, waxaa ay sheegeen in lacagta ay aheyd mid loogu talo galay in lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada ay tobabaraan Imaaraadka Carabta.

Wakaaladda waxaa ay sheegtay in Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu dhaxeeyo xariiro iskaashi oo taariikhi ah, kaasi oo ku dhisan isweydaarsi ku dhisan ixtiraam.

Imaaraadku waxaa uu sheegay in uu tobabaray 2407 oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya uuna bixiyo mushaaraadkooda, sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay fureen saddex xarumood oo tobabar iyo in ay Soomaaliya ay ka howlgaliyeen xarumo caafimaad oo lagu daaweeyo dadka Soomaaliyeed.

Imaaraadka waxaa uu tilmaamay in uu kormeero barnaamijka ciidamada badda ee maamulka Puntland ee la dagaalanka argigixisada iyo burcad badeedka, sidoo kale waxaa ay ka qeyb qaateen kordhinta awoodaha laamaha amniga iyo Millatariga Soomaaliya.

Imaaraadka waxaa uu caddeeyay in uu cambaareynayo dhacdadaan, uuna u arko mid ka hor imaaneyso dhaqamada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyo dowladaha, waxaa uu intaas ku daray in ay khilaafeyso heshiiskii is fahanka ahaa ee labada dowladood ay saxiixdeen.

Goobjoog News