U bood dhigaalka

Waqtiga Ay Dhacayso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo La Shaaciyay

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga ay dhacayso doorashada gudoomiyaha baarlamaankaasi, ka dib markii uu shaqadii ka tagay gudoomiyahii hore.

Qoraal ku taariikheysan maalintii shalay ahayd 07-11-2015 ayaa lagu sheegay in doorashadu ay dhici doonto maalinta berri ah (Isniin) oo taariikhda ku beegan 09-11-2015, Sagaalka subaxnimo.

Waxaa maanta oo ay ku beegan tahay 08-11-2015 ku eg araaji qabashada musharraxiinta u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa 28-10-2015 ka tagay shaqadii uu hayay ka dib markii xildhibaanno gaaraya 40 ay ka keeneen mooshin isaga ka dhan ah.

Warqadaan oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha guddiga doorashada Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad ayaa sidan u qoran:-

Doorashada

Goobjoog News