U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Askar Ka Wada Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ku Dagaallamay Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dagaallameen degmadaasi, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhimatay 2 qof oo mid ka mid ah uu yahay shacab, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 5 qof kale oo dhammaan la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidankii dowladda ee dagaallamay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidankaan dagaallamay qaarkood ay isku dayeen in kuwa kale hub ka dhigis ay ku samaayaan xilli ay ku sugnaayeen suuqa khaatka ee degmada Baardheere.

Goobta lagu dagaallamay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo haatan kala dhex galay askartii dagaallantay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News