U bood dhigaalka

Askari Dowladda Ka Tirsan oo Rasaas Ku Furey Dad Shacab Ah Degmada Hodan

Sheeko:Dalka

askari dowladdaQof ayaa dhintey, 3 qof kalana waa uu dhaawacmey kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furey dad shacab ah oo meel fadhiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Askar kale oo dowladda ka tirsan oo usoo gurmatay meesha uu falka ka dhacay ayaa waxa ay is rasaasayn dhexmartay iyaga iyo askarigii dadka rasaasta ku furey, israsaaseyntani ayaa waxaa ku dhaawacmay askarigii falka geystey, kadibna isaga oo dhaawac ah ayay gaariga ku qaateen, lamana oga halka ay la aadeen.

Dad goobjoogayaal ah waxa ay Goobjoog u sheegeen in uu ninka u muuqdey in maskaxdiisu aysan fadhinin, gaar ahaan waxa ay oga shakiyeen in uu sarqaansanaa.

Goobjoog News