WAR DEG DEG AH:- Baarlamaanka Oo u Codeeyay Mooshinkii Golaha Wakiilada Jubbaland
Sheeko:Dalka
Sida uu kusoo waramayo wariyaheena baarlamaanka Cabdifataax Xasan Axmed Kalgacal, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka Jubbaland oo muddo dhawr jeer dib u dhacay.
Waxaa baarlamaanka soo xaadiray 142 xildhibaan, 132 ayaa u codeysey in baarlamaanka Jubbaland uu yahay sharci darro, halka 6 xildhibaan ay diidey, 4-kalena ay ka aamustay.
Maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in haddii baarlamaanka u codeeyo in baarlamaanka Jubbaland yahay mid sharci darro , in uu jari doono xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.
Goobjoog News