U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Baarlamaanka Oo u Codeeyay Mooshinkii Golaha Wakiilada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena baarlamaanka Cabdifataax Xasan Axmed Kalgacal, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka Jubbaland oo muddo dhawr jeer dib u dhacay.

Waxaa baarlamaanka soo xaadiray 142 xildhibaan, 132 ayaa u codeysey in baarlamaanka Jubbaland uu yahay sharci darro, halka 6 xildhibaan ay diidey, 4-kalena ay ka aamustay.

Maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in haddii baarlamaanka u codeeyo in baarlamaanka Jubbaland yahay mid sharci darro , in uu jari doono xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Goobjoog News