U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Baladweyne oo lagu dilay askar ka tirsan ciidanka dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Galbeedka magaaladaasi lagu dilay Laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in rag ka mid ah Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaan ku yaala Gal-beedka Magaalada B/weyne sidaasna ay ku dileen askartaasi iskahor imaad kooban ka dib.

Maamulka magaalada Baladweyne oo aynu xiriir la sameenay waxay sheegeen in saacadaha soo aadan ay faah faahin ka bixin doonaan qaabka askartaan loo dilay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaheena C/risaaq Al-cadaala oo faah faahin ka bixinaya sida ay wax u dhaceen.

Goobjoog News