U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Boqolaal Haween Ah Oo Dibadbax Ka Dhigaya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho ka billowday dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan boqolaal haween ah oo isaga kala yimid dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada Haweenka ayaa waxay ku dalbanayaan haweenkan in laga dhabeeyo ballanqaadka ahaa in haweenka ay dowladda soo socota ka helaan 30%.

Waxay sheegeen in ay soo dhaweyn doonaan haddii shirka madasha wadatashiga uga socda magaalada Muqdisho si cad loogu caddeeyo saamiga haweenka in lama taabtaan tahay, haddii aan lagu caddeynna ay kasoo horjeedsan doonaan.

Qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in inta badan la sheego in haweenka la siiyay qoondo ah 30% laakiinse aan laga dhabeen, waxayna sheegeen in markaan aanay taasi aqbali doonin.

Waxay haweenkani wataan boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin erayo ay ku miijinayaan sida ay uga go’an tahay helidda xuquuqdooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News