U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Cabdikariin Xuseen Guuleed Oo Loo Doortay Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa goor dhaw lagu soo gaba gabeeyay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, wareegii Sedaxaad oo la’isla soo gaaray.

Waxaa wareegaan isugu soo haray Musharraxiinta kala ahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi, iyadoo xildhibaanada Galmudug ee codkooda bixiyay ay ahaayeen 89 mudane.

Mudanayaasha ayaa sidaan codadka u kala helay.

  • Axmed Macalin Fiqi oo helay 40 cod
  • Cabdikariin Xuseen Guuleed oo helay 49 cod.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu dambeyn waxa uu shaaciyay natiijada isaga oo sheegay in madaxweynaha Galmudug uu yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiiro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin ayaa goobjoog ka ah halka ay ka socoto doorashada, waxaana la filayaa in goor dhaw ay bilaabato doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada