U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- CID Oo Xiratay Agaasimaha Goobjoog

Sheeko:Dalka

Hay’adda Dambi baarista CID ayaa goor dhaw waxay xarunteeda magaalada Muqdisho ku xirtay Agaasimaha Goobjoog Xasan Maxamuud.

Hay’adda ayaa u yeertay agaasimaha, kadibna waxay dhigeen xabsiga iyadoo sababta rasmiga ah aan la ogeyn.

Waxaa socda dadaallo lagula xiriirayo saraakiisha CID taa oo ku saabsan in la ogaado sababta ay u xirteen Agaasime Xasan.

March 31 2015 CID ayaa muddo Todobaad ah waxaa u xirnaa wariye C/fitaax Xasan Axmed Kalgacal oo aragga la.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News