U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa AMISOM oo Qabsaday deegaan 50KM u Jira Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay la wareegeen deegaanka Tarako oo qiyaastii 50km dhanka Galbeed ka xiga magaalada Baardheere oo ay Alshabaab ka taliyaan.

Ciidamadani ayaa kasoo dhaqdhaqaaqa deegaanka Faafaxdhuun, waxayna tuuladani isku xirtaa magaalada Baardheere iyo degmada Ceelwaaq ee ku taala xuduudda Kenya.

Horey waxaa magaalada Baardheere ugu sii siqayay ciidamada Itoobiya oo iyagu dhawr jiho kaga durqaya magaalada, iyada oo ciidamada Kenya ay aag cusub ku furayaan ciidamada Alshabaab oo isu diyaarinaya in ay magaalada difaacdaan.

Goobjoog News