U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaallamay Cadaado

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka ee 21-aad ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaallameen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey 3 askari ayaa halkaasi ku geeriyootay Lix kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku dagaalleen mushaar la qeybinayey.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu ka dhacay xerada Kafaallo oo ku taallo halka laga soo galo degmada Cadaado.

Maamulka Galmudug iyo Odayaal dhaqameed ayaa la sheegay inay ku baxeen ciidankan dagaallamaya si ay xiisadda u qaboojiyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News