U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Daahir Amiin Jeesoow “Waa naloo qeybiyey mooshinka” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JeesoowMid ka mid ah xildhibaanada ku sugan gudaha baarlamaanka Daahir Amiin Jeesoow ayaa Goobjoog u sheegey in mooshinka iyo ajandaha shirka loo qeybiyey xildhibaanada, wax dhibaatana aysan ka dhicin.

Daahir oo wax laga weeydiiyey cida qeybisey mooshinka xili uu gudoomiyaha baarlamaanka iman xarunta ayuu sheegey in shaqaalaha baarlamaanka ay qeybiyeen mooshinka sidii caadada ahaan jirtey.

“Ajandaha habeenkii ayaa lasii diyaariyaa, guddoomiyaha ayaa saxiixay, kadibna waa la qeybiyaa, waana la qeybiyey

Warar ay heleyso Goobjoog ayaa muujinaya in xildhibaanada qaar ay jeex jeexeen waraaqaha mooshinka iyo ajandaha, halka qaarka taageersan ay heystaan mooshinka, guryahoodana la aadi doonaan si ay usoo akhriyaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xafiiskiisa ku sugan, kulana la leh gudoonka intiisa kale ee xogheyntiisa.

 

Dhageyso

Goobjoog News