U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Dagaal beeleed ka bilawday degmada Balanbale ee gobalka Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Beelo walaalo ah oo wada dega degmadaasi.

Dagaalkaan oo qasaare geestay ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay ka dib markii beelahaan ay isku fahmi waayeen dhul daaqsin ah oo ku yaala duleedka Balanbale.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay Afar qof oo ka kala tirsan dhinayacda dagaalamaya, iyadoo 14-kale dhaawac uu kasoo gaaray sida Goobjoog Fm u sheegay dad halkaasi ku sugan.

Dad u badan reer guuraa ayaa ka baxsanaya halka hadda dagaalkaan uu ka socdo, mana jirto ilaa iyo iminka cid si gaar ah isugu xilqaantay in dagaalka ay joojiso.

Halkaan hoose ka dhageyso mid ka mid ah dadka ku sugan degmada Balanbale oo faah faahin ka bixinaya dagaalkaan.

Goobjoog News