U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Gal-mudug Oo Ka socda gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWararka naga soo gaaraya gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu goordhaw ka bilawday dagaal u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland Iyo Gal-mudug, kaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaanka Saaxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobalka Mudug, waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay rasaas xoogan isku adeegsanayaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay 3 qof, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeyn Laba kale sida ay inoo sheegeen dad ku dhaw halkaasi.

Sababta dagaalkaan ayaa la sheegayaa in uu ka bilawday ka dib markii ciidamada Puntland oo doonayay in ay halkaasi ka hirgeliyaan ceel biyood ay iska hor imaad  kala kulmeen ciidamo kale oo Gal-mudug ka tirsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News