U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wariyaasheena ku sugan magaaladaasi ayaa soo sheegaya in dagaalkaan uu ka soconayo xaafadda Garsoor ee magaaladaasi, ka dib markii la sheegay in lagu murmay dhismo lagu sameynayay waddo.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in dhisme wado uu ka waday dhanka xaafadda Garsoor, waxaana la tilmaamay in dhismahaasi ay diideen dhanka Galmudug, halkaasina dagaalka uu ka billawday.

Waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo Labada dhinac is weydaarsanayaan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Xiriir aynu la sameynay maamullada Puntland iyo Galmudug ee u qaabilsan gobalka Mudug ayaan inoo suurta gelin.

Xaafadda Garsoor ayaa ah halka kala qeybisa maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana horay u jirtay xurguf siyaasadeed oo Labada dhinac u dhaxeysay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News