U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed oo kulan uga furmay magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka waxay sheegayaan in halkaasi uu kulan uga furmay dhinacyada siyaasad ahaan isku haya maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankaan oo goor dhaw furmay ayaa ilo wareed lagu kalsoonyahahay waxay Goobjoog Fm u sheegeen in kulanka ay qaadanayaan gudiyo kala matalaya maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed iyo xubnaha ku howlan dhismaha maamulka Sedax gobal.

Inta kulankaan uu socdo ayaa la’isku soo hadal qaadi doonaa arimaha ugu muhiimsan ee Labada dhinac isku hayeen, waxaana laga yaabaa in ilaa caawa ay Labadaan dhinac is fahmaan.

Magaalada Baydhaba waxaa ka socday shir maamul loogu sameynayo gobalada kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, balse qoraal kasoo baxay Seddax mas’uul ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya waxay amar ku bixiyeen in shirka la hakiyo, iyadoo dhanka kale xusid mudan tahay in magaaladaasi ay ku sugan yihiin maamulka uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow oo aragti ahaan qaba in ay maamulayaan Lix gobal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.