U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dib u Dhac Ku Yimid Furitaanka Wejiga Labaad Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan inuu dib u dhacay shirkii la doonayey in maanta ka furmo halkaasi, kaasi oo lagu soo dhisayo maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud oo goor dhaw xiriir la sameeyay qaar ka mid ah wufuudda ka qeybgalaysa shirkan waxay u xaqiijiyeen in maanta uu dib u dhacay furitaanka Wejiga Labaad ee shirka islamarkaana maalinta berri ah la filayo inuu furmo.

Xubnahan ayaa sheegay in sababta shirka maanta uu dib uga dhacay inay tahay arrimo la xiriira wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka oo ka baaqsaday safar maanta ay halkaasi ku tagi lahaayeen.

Magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga furitaanka wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News