U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Curyaamiinta Soomaaliyeed Oo Dibadbax Ka Dhigay Muqdisho (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

20141208_094349Dibadbax ayaa maanta ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ay dhigeyn qaar ka mid ah Curyaamiinta Soomaaliyeed.

Waxa ay buuxdhaafiyeen Barxadda Isgoyska Sayidka, iyaga oo xiray isku socodka gaadiidka dowladda iyo midka Shacabka intaba.

Waxay laamiga ku xireen gaadiidka curyaamiinta oo ay wataan, waxaana ay celiyeen gaadiidka dagaalka ee dowladda gaar ahaan kuwa lo yaqaano Cabdi bilayaasha oo ay saarnaayeen ciidamo aad u badan iyo sidoo kale gaadiid kale oo u muuqday in ay wadeen mas’uuliyiin.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya nolol xumo soo wajahday, waxayna sheegayaan in maanta danta ay ku kaliftay in ay laamiga seexdaan, waxaana gaadiidka dagaalka ee dowladda lagu qasbay in wadada ay ka leexdaan.

 

Hoos ka arag Sawirada:-

20141208_093340

20141208_093441

20141208_093648

20141208_094006

Goobjoog News