U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Dibadbax dhimasho sababay oo haatan ka socda magaalada Burco

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilawday dibadbax xoogan oo ay dhigayaan dad careysan.

Dadka dhigaaya dibadbaxa ayaa kasoo horjeeda mooshinka laga keenay Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho.

Ciidamada Booliiska oo doonayay in dadkaan ay kala eryaan ayaa rasaas adeegsaday, waxaana rtasaastaasi ku geeriyootay Haweeneey ka mid ahayd dadkii dibadbaxa dhigayey.

Xaaladda Burco aad ayeey u kacsan tahay, dadkuna waxay kasii caroodeen rasaasta ay ciidanka fureen iyo Haweyneyda dhimatay, iyaga oo wadooyinka ku gubaaya taayerada gaadiidka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News