U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dibadbax Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka Oo Ka Socda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka bilawday dibadbax ay ka qeybgalayaan shacab iyo mas’uuliyiin, kaasi oo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shacabkaan ayaa wata boorar ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan go’aankii baarlamaanka Soomaaliya, kuna taageerayaan go’aankii Jubbaland ay xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xiran guud ahaan goObaha waxbarashada iyo ganacsiga ee magaaladaasi, waxaana magaalada wareegaya gaadiid lagu soo xiray cod baahiye, shacabka loogu sheegayo in ay ka wada qeybgalaan dibadbaxaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News