U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaarad Ku Degi Weysay Garoonka Aadan Cadde Oo Ku Dhacday Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa soo dhacday diyaarad la sheegay in ay xamuul ahayd, taasi oo u suurta geli weysay in ay kusoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda ay lugaha usoo bixi waayeen, iyadoo saacad in ka badan hawada Muqdisho ku dul socotay.

Dhowr jeer ayeey isku dayday inay garoonkaa Aadan Cadde kusoo degto hase ahaatee Lugaha ayaa usoo bixi waayay, iyadoo shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ay heegan buuxa ugu jireen sidii ay ku caawin lahaayeen diyaaradaasi.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in diyaarada ay afka aadisay dhanka degmada Afgooye, iyadoo wado Laami ah oo u dhaxeysa Afgooye iyo Carbiska ay damacday inay ku degto maadaama shidaal la’aan soo wajahday.

Waxaa la sheegayaa in xabadka diyaaradda ay dhulka ku dhufsatay, welina ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News