U bood dhigaalka

Diyaarad Qaxooti Soomaaliyeed Ka Keentay Dhadhaab Oo Soo Gaartay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Diyaarad sidda ku dhawaad 50 qof oo Soomaaliyeed, qaxootina ku ahaa xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa goor dhaw waxa ay soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaraddaan ayaa toos uga soo kacday Xerada Dhadhaab, waxaana keenista dadkaan iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR.

Wariyaheena Ibraahim Xaaji Yuusuf oo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegaya in dadkaan halkaasi lagu soo dhaweeyay, waxaana dadka ay u badan yihiin Haween iyo Caruur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News