U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaarad Qaxooti Soomaaliyeed Ka Keentay Xeryaha Dhadhaab Oo Soo Gaartay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in garoonka magaaladaasi ay soo caga dhigatay diyaarad ay la socdaan Soomaali Qaxooti ku ahaa xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.

Dadkaan ayaa gaaraya 61 qof, kuwaasi oo saaka lasoo qaaday, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in isla Kismaayo ay soo caga dhigato diyaarad kale.

Wariyaasha Goobjoog News ee magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in dadkaan lagu soo dhaweeyay magaaladaasi, lana geyn doono meello loogu tala galay in la dejiyo.

Keenista dadkaan waxaa iska kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo dadka lasoo celinaya ay yihiin kuwo iskooda isku soo diiwaan geliyay si ay dalka ugu soo laabtaan.

Xeryaha dhadhaab ee Kenya waxaa qaxooti ku ahaa Soomaali aad u badan, iyadoo dhinaca kale uu jiro Heshiis Seddax geesood ah kaa oo dhex maray dowladda Federaalka, Kenya iyo Qaramada kaasi qeexayana in dadka doonaya dalkooda inay kusoo noqdaa loo fududeeyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News