U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo 10 Qof Oo Shacab Ah Ku Dilay Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa goor dhow duqeyn ay ka geysteen gobalka Gedo waxa ay ku dileen 10 qof oo shacab Soomaaliyeed ah.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaan u dhaxeeya degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Dhamas ee gobalka Gedo, waxaana la sheegay in dadka ay reer Miyi ahaayeen.

5 ka mid ah 10 qof ee dhimatay waxaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen caruur dugsi Qur’aan dhiganeysay, iyadoo sidoo kale uu jiro dhaawac badan oo aan la xaqiijin inta uu la egtahay.

Lama oga sababta ka dambeysa in diyaaradaha dagaalka Kenya inay duqeyn geystaan, hase ahaatee sidaan oo kale ayeey dhowr jeer diyaaradaha Kenya dad shacab ah ugu dileen gobalka Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News