U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Doon Ay Saaran Yihiin Xoolo Farabadan Oo Ku Gubanaysa Dekadda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Doon ay saaran yihiin xoolo badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ku gubanayso dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Doonidaan oo aad ugu dhaw Dekadda Boosaaso ayaa la sheegay in si lama filaan ah uu dab xoogan uga kacay, waxaana saaran Xoolo isugu jira Lo iyo Ari.

Waxaa soconayo gurmadka lagu doonayo in xoolahaan lagu soo badbaadiyo, iyadoo halkaasi loo diray doonyo yar yar oo xoolaha lagu soo qaado, halka qaarkood ay badda ku daateen, sida ay inoo sheegayaan dad halkaasi ka dhaw.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay dabka oo weli socda awgeed, hase yeeshee waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo xoolaha doonidaan saaran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News