U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku jiiray Muqdsiho

Sheeko:Dalka

Wararka caawa naga soo gaaraya Xaafadda Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ayaa waxay sheegayaan in gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM uu dad shacab ah ku jiiray halkaasi.

Shan qof ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka dhaawacmay Laba ka mid ah ahaayeen Haween halkaasi Khaat ku iibinaayay, halka sedaxda kalena yihiin dhalinyaro goobta ku sugnaa.

Goobjooge ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shilka ka dib uu halkaasi ka baxsaday gaarigii AMISOM ee falkaasi ka geystay.

Dhanka kale waxaa goobta falkaan ka dhacay gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo la sheegayo inay ka daba baxeen gaarigii AMISOM ee shacabka Jiiray.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

 

 

Goobjoog News