U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gaari uu la socday xildhibaan dalxa oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo marayay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan oo kasoo baxaaya qasaaraha weerarkaan ayaa sheegaya in halkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay qaar ka mid ah ilaalada xildhibaanka Maxamed Cumar Dalxa, balse isaga xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan.

Waxaan isku daynay in aynu xiriir la sameenno Dalxa, si aan xog badan uga helno, hase ahaatee wey inoo suurta geli weysay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.