U bood dhigaalka

Ganacsatada B/weyne Oo Diiday Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga Iyo Dibadbaxyo Ka Socda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kadib markii ganacsatada magaaladaasi ay diideen isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ah.

Ganacatada ayaa saaka u sheegay dadka in marnaba aanay ka qaban doonin shilin Soomaali ayna doonayaan kaliya doolar.

Sababta ay ku diideen ganacstada lacagta Shilin Soomaaliga ayaa lagu sheegay kadib markii ganacsato kale ay suuqa soo geliyeen lacag shilin Soomaali been abuur ah.

Shacabka magaalada Baladweyne ayaa arrintaasi ka carrooday, waxaana ay dhigayaan dibadbaxyo waaweyn, iyaga oo laamiyada magaaladaasi ku gubay taayero baabuur, waddooyinkana xirtay.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Baladweyne weli kama aanay hadal arrintaan ka socota magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News