U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xubnaha gudiga doorashada ee maamulkaasi

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarinta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in golaha wakiilada ee maamulkaasi ay ansixiyeen 7-xubnood oo ah gudiga doorashada Somaliland.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominaayay Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, waxaana kulanka soo xaadiray 70 mudane.

Kahor inta aan la codeyn waxaa halkaasi laga akhriyay dhamaan taariikhda Todobada xubnood ee ah Gudiga Doorashada Somaliland, iyadoo intaasi ka dib codeynta ay bilaabatay.

Hadaba codeynta ayaa ku dhamaatay qaab cod aqlabiyad ah, ka dib markii xubnahaasi ay ogolaadeen 69, mudane, sidaasna waxaa ku meel maray xubnahan.

Hadaba xubnahaan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Xisbiyada maamulkaasi, golaha Guurtida iyo Xisbiga talada haye ee Kulmiye waxa ayna kala yihiin sidan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo magacaabay Seddax xubin oo kala ah.

1-   Maxamed Jaamac Maxamed

2-   Maxamuud Jaamac Wacays

3-   Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi

Golaha Guurtida waxa ay soo magacaabeen Laba xubin oo kala ah.

1-   Saciid Cali Muuse

2-   Cabdirisaaq Iimaan Warsame

Xisbiga Ucid ayaa isna soo magacaabay Hal xubin oo ah.

1-   Cabdifitaax Ibraahim Xasan.

Xibsiga Wadani isna Hal xubin oo ah.

1-   Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Somaliland ayaa la filayaa in ay wajahdo doorashooyinka Baarlamaanka iyo midka madaxtinimada, waxaana ku tartami doona mida madaxtinimada xisbiyada kala ah, Kulmiye oo hadda talada haya, Wadani iyo Ucid.

Goobjoog News