U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Guddomiye Jawaari Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu tagay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Garoonka magaalada Baydhabo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo ku dhaqan.

Ammaanka guud ee magaaladaasi ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidanka DF, kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidamada AMISOM.

Wariyaheena ku sugan magaalada Baydhabo Aadan Geesey ayaa soo sheegaya in ulajeedka Jawaari u tagay halkaasi ay tahay ka qeybgalka shir la filayo in 20- illaa 22-ka bishan xubnaha madasha uga billowdo magaaladaasi, inta ka horreysana uu la kulmi doono mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Koonfur Galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News