U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo La Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goor dhaw lasoo gabagabeeyay wareega Labaad ee doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyadoo .

Xildhibaanada Galmudug ee Codeeyay waxa ay tiradoodu ahayd 84 mudane, waxaana wareega Labaad ku tartamayay mudanayaasha kala ah Cabdullaahi Maalin Gaafow iyo Cali Gacal Casir.

Markii ay codeynta soo gabagabowday ayaa guddiga doorashada waxa uu shaaca ka qaaday natiijada ay kala heleen Labada Musharax iyo cidda ku guuleystay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Cabdullaahi Maalin Gaafow waxa uu helay 36cod.

Cali Gacal Casir waxa uu helay 48cod.

Hadaba guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashadii uu ku guuleystay Cali Gacal Casir, islamarkaana uu yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Goordhaw waxaa bilaabanaysa doorashada gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug, waxaana u tartamaya xilkaasi Seddax Musharrax.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News