U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyaha Gobalka Gal-gaduud Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Socda Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGGudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo goordhaw saxaafadda kula hadlay degmada Dhuusamareeb ee gobalkaasi ayaa ka hadlay dagaalo ka socda Gal-gaduud, kaa oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaaladaan ay wadaan dad uu ku sheegay in ay shacabka u horseedayaan dhibaato iyo fowdo ka bilaabata gobalka Gal-gaduud.

Waxa uu tilmaamay in dagaalkaan ay Ahlu-sunna uga golleeyihiin arbushaad uu sheegay in ay la doonayaan maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Gudoomiye Cirfo ayaa ku cel celiyay in dagaaladaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo gar daro ah laga waantoobo waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Degmada Dhuusamareeb oo saaka dagaal uu ka dhacay xaalad ahaan waa mid degan, waxaana degmadaasi oo idil gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale degmada Guriceel ayaa iyana xaaladeedu tahay mid degan ka dib markii shalay halkaasi dagaal ay ku qabsadeen ciidamada Ahlu-sunna.

Warkaan oo faah faahsan iyo shirka jaraa’id ee gudoomiyaha kala soco Wararkeena kale.