U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyahii Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw uu is casilay gudoomiyahii Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire.

Gudoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah uu is casilay ka dib markii laga keenay mooshin uu sheegay in uu sharci darro yahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Shire inuu iska casilay xubinnimadii baarlamaanka ee Puntland.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa la sheegay in mooshin ka dhan ahaa gudoomiyaha ay keeneen, taasi oo keentay dood iyo kala aragti duwanaansho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News