U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gudoomiyahii Hore ee Degmada Afgooye Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Wararka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkasi lagu dilay gudoomiyahii hoere ee degmadaasi Cabdullaahi Cabdi Iidey.

Nin ku hubeysan Bistoolad ayaa la sheegay in uu mas’uulkaasi ku dilay bartamaha degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi Toogane ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen ninkii dilka ka dambeeyay isaga oo dhaawac ah.

Degmada Afgooye waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayay falalka amni xumida ah, waxaana degmada ka dhacay dilal kala duwan.

Goobjoog News