U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: In ka badan 20 qof oo lagu dilay magaalada Mandhera ee dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi lagu dilay in ka badan 20 qof oo shacab ah.

Dadkaan ayaa saarnaa Gaari Bas ah, waxaana wararku ay sheegayaan in rag hubaysan ay jidka u galeen.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay geerida dadkaan, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in marka hore dadkaan laga dejiyay gaariga ka dibna la toogtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News