U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Kulan lagu soo afjarayo khilaafka madaxda dowladda oo hadda ka furmay Xalane

Sheeko:Dalka

Warar hadda soo gaaraya Idaacadda Goobjoog ayaa sheegaya in kulan uu hadda uga furmay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah iyo Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay, Kan Yurub, Safiirka Ingiriiska iyo kan Maraykanka oo dhinac ah.

Kulankani oo uu albaabada u xiranyahay ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha  kadib markii ay sidaasi ku adkeysteen beesha caalamka.

Dhawaanahan waxaa dadaalo xooggan waday dublamaasiyiin beesha caalamka ah iyo waliba guddoonka baarlamaanka, kuwaasi oo u muuqda in uu miro dhalyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News