U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Kulanka Baarlamaanka oo furmay iyo ka doodista mooshinka oo bilaabatay

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hadda uu si toos ah u furmay kulanka Baarlamaanka, kaa oo maanta la filayo in lagu soo gaba gabeeyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kulanka waxaa shir gudoominaya gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana maanta soo xaadiray xildhibaano gaaraya 211 mudane.

Wariyaasheena ku sugan xarunta golaha shacabka waxay soo sheegayaan in hadda xildhibaanada ay ka doodayaan mooshinka, waxaana la filayaa in maanta codka kalsoonida ah loo qaado Xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Amaanka guud ee wadooyinka gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka qaar ay xiranyihiin.

La soco warkaan wixii kusoo kordha.

Goobjoog News