U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Kulankii Baarlamaanka Oo Kooram La’aan u Baaqday

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayay in kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo arimo ay ka mid tahay mooshinka baarlamaanka Jubbaland looga hadli lahaa.

Wariyaha arimaha Baarlamaanka ee Goobjoog News Cabdifitaax Xasan Axmed Kalgacal ayaa soo sheegaya in kulankaasi uu baaqday ka dib markii Kooramka loogu tala galay kulanka in uu ku furmo ay xildhibaanada noqon waayeen.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa amray in la tiriyo xildhibaanada ku sugan golaha shacabka, hase ahaatee markii tirada ay dhamaan waayeen mudanayaasha waxa uu sheegay in kulanka aanu furmi karin, sidaasina uu ku baaqday kulankii xildhibaanada ee maanta la filayay.

Goobjoog News