U bood dhigaalka

Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo La Shaaciyey

Sheeko:Baarlamaanka

Gudigga Farsamadda Maamul Dhisidda Gobollada dhexe ayaa shaaciyey inta badan liiska xubnaha Baarlmaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Gudigga Farsamadda Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa ku amaantay odayaasha dhaqanku sida hufnaanta iyo caddaaladda leh ee ay usoo xuleen xubnihi Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Xaliimo Yareey ayaa tiri “aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineynaa odayaasheenna dhaqanka, aad ayay u dadaaleen, waxaa ilaa hadda lasoo gudbiyay 60 xubnood  oo soo buuxiyay shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar, oo aan odayaasha ka codsanay in ay kusoo gudbiyaan kama dambeys maalinta berri ah si ay uga qeyb galaan fadhiga ugu horreeya oo qabsoomi doona maalinta isniinta ah”

Ugu dameyntii, Guddoomiyaha Gudigga Xaliimo Yareey ayaa sheegtay maalinta Isniinta ah la qaban doono munaasabaddi dhaarinta iyo fariisinta Baarlmaanka si ay u guda galaan howlahii doorashooyinka.

60-ka xildhibaan ee la daabacay magacyadooda ayaa qeyb ka ah 85 xildhibaan oo uu ka koobnaan doono maamulka Galmudug, iyada oo xildhibaanada dhiman lasoo daabici doono magacyadooda maalmaha soo socda.

Hoos Ka Akhri Liiska Xildhibaanada

 

001

002003