U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaafiic Ku Dhacday Xarunta Wasaaradda Gaadiidka Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaafiic Hoobiyeyaal ah islamarkaana illaa hadda la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa goor dhow waxay ku dhaceen xarunta wasaaradda Gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Madaafiicdan oo illaa Shan gaarayey ayeey wararku sheegayaan in qaarkood ay gudaha ugu dhaceen xarunta wasaaradda oo ku taalla degmada Shangaani, waxaana qeyb ka mid ah dhismaha wasaaradda la sheegay in dab uu ka kacay.

Weli lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana wariyeyaasheena ku sugan halkaasi soo sheegayaan in goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka ah iyo kuwa dab damiska.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News