U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Maxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay ka dageen Garoonka Magaalada Cadaado Waxaa Halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa loo Gudbiyay madaxtooyada Cadaado waxaa uu halkaas kulamo kula qaadanayaa  mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka.

Weli Axmed Madoobe ma aanu shaacin ulajeedka rasmiga ah ee uu u tagay magaalada Cadaado, xilli la filayo in 10-ka bishaan magaalada Kismaayo uu shir uga furmo madasha wadatashiga Qaranka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News