U bood dhigaalka

WAR DEGDEG AH : Madaxweynaha oo u Amba Baxaya Dalka Jabuuti Halkaasi oo uu Kula Kulmayo Axmed Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Xasan SheekhWarar hadda nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu u duulayo dalka Jabuuti halkaasi oo uu ka dhacayo kulan muhiim ah oo dhexmaraya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Jabuuti heshiis kula saxiixanaya madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, heshiiskaasi oo ku saabsan bilaabashada wareegga labaad ee wadahadalada labada dhinac.

Dowladda Turkiga oo wadahadaladaasi hormuud ka ah ayaa goobjoog ka ah saxiixani , waxaana xusid mudan in wadahadalada ay kasii soconayaan dalka Turkiga.

Dhanka kale magaalada Hargeysa ayaa waxaa hadda garoonka kusii jeeda madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo isna u amba baxaya Jabuuti.

Jabuuti ayaa kaliya martigalineysa shirkani gaaban ee lagu saxiixayo bilaabashada wareegga labaad ee wadahadalka labada dhinac.

Horey wadahadalada ayaa waxaa loogu gaarey heshiisyo isfaham ah oo ku kooban isweeydaarsiga macluumaadka sirdoonka, isu socodka gaadiidka iyo waxyaabo kale oo yar yar, balse natiijada ugu dambeysa ee wadahadalada laga doonayo ayaa midnimada Soomaaliya iyo sidii hab sharciyeysan oo la’isku ogyahay loo wada shaqeyn lahaa.

Somaliland ayaa 20-kii sano ee burburka dooneysey in ay dalka ka go’do, balse ma jiro hal dal oo adduunka ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland, iyada oo dhamaan dowladihii Soomaaliya soo marey xiligaasi ay ku adkeysanayeen in Soomaaliya aysan kala go’in.

Goobjoog News