U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Tanaasulay Musharraxnimada Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in uu ka tanaasulay musharraxnimada xilka madaxtimo ee xisbiga Kulmiye doorashada soo socota.

Siilaanyo oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kana soconaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu si iskiis ah u tanaasulay.

Siilaanyo ayaa yiri “Waxaan u tanaasulay inaan fursad siiyo kuwii ila soo halgamay sanadada badan, waxaan doonayaa in markooda ay helaan fursad ay dalka iyo dadka ku hogaamiyaan, waxaan doonayaa in Somaliland aan uga tago taariikh aan horay looga tagin”

Dhinaca kale golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa isla maanta u codeeyay Muuse Biixi inuu noqdo musharraxa madaxweyne Xisbiga Kulmiye ee maamulka Somaliland.

Xisbiga Kulmiye oo khilaaf hareeyay ayaa dhinaca kale isku diyaarinaya doorashada la filayo in ay dhacdo 1-da June ee sanadka 2016-ka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News