U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Erdoğan Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga RacepTayyip Erdoğan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sareysa dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka Aadan kusoo dhaweeya Madaxweynaha Turkiga.

Kooxda Baambeyda ayaa halkaasi ku garaacay astaanta calanka ee Labada dal Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida ayeey madaxdu salaan sharaf ka qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Turkiga ayaa lagu wadaa in xariga ay ka jaraan dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ka furtay Muqdisho taas oo ah midda ugu weyn ee Africa uu ka furto.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay waxaana magaallada oo dhan lagu arkayaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News