U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo La Doortay

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo gaba gabeeyay Wareegii Sedaxaad ee Doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku tartamayeen musharaxiinta kala ah Maxamed Xaashi Carabey iyo Bashiir Diiriye Shariif.

Xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa ku guuleystay Maxamed Xaashi Carabey , waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

  • Maxamed Xaashi Carabey waxa uu helay 40 cod.
  • Bashiir Diiriye Shariif waxa uu helay 36 cod.

Galmudug ayaa yeelatay madaxweyne oo uu noqday Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa oo uu noqday Maxamed Xaashi Carabey.

Doorashooyinkaan ayaa bilawday 10-kii Barqanimo ee maanta, waxaana la dhaariyay mas’uuliyiintaan guuleystay.

Goobjoog News